Puntland oo ka mamnuucday deegaanada ay maamusho Laanta Afka Soomaaliga ee VOA

Read Time:39 Second

Wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland ayaa wareegto ay soo saartay waxa ay deegaanada maamulkaasi ka taliyo laga mamnuucay  Idaacadda VOA laanteeda Af-Soomaaliga ah.

 

Wareegtada oo uu ku saxiixnaa wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud XasanSoocade, ayaa lagu sheegay in VOA ay caadeysatay baahinta warar aysan iyagu raali ka ahayn, sidaa darteedna laga soo saaray go’aan ah in aysan ka howlgalin deegaanada Puntland.

 

Sidoo kale waxaa lagu amray Idaacadaha madaxa banaan ee ka howlgala deegaanada Puntland, islamarkaana sii deyn jiray Idaacadda VOA, in iyaguna aysan Fm-yadooda la dhex marin VOA.

 

Ugu dambeyn waxaa wareegtadan lagu sheega in sharciga la waafajin doono cid walba oo ka madax adeegta ammarkaan.

 

Maamula Puntland ayaa hore ugaga joojiyay idaacadaha FMyada ah ee ka jira Puntlnad inaysan deyn karin barnaamijyada ka baxa VOA.

 

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.