
Madaweyne kuxigeenkii Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amar ku bixiyey in la hakiyo xil wareejinta Agaasimaha Cusub ee Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Xafiikeeda deegaannada Puntland.
Qoraal kasoo baxey Madaweyne kuxigeenka Puntland ayaa amarkaas lagu bixiyey,iyada oo la farey inay u hoggaansamaan masuuliyiinta amniga iyo masuuliyiinta socdaalka,kadib markii dhawaan Dowladda Soomaaliya ay Agaasime Cusub u Magacaawdey Xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha qeybteeda Puntland,sidoo kalena Agaasimihii hore looga yeeray Magaalada Muqdisho.
In kastoo Go’aankaan uu Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu ku joojiyey xil wareejinta Agaasimaha Cusub ee Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Xafiikeeda deegaannada Puntland aan si rasmi ah loo faah faahin,hayeeshee warar soo baxaya ay sheegayaan inay ku lug leeyahay khilaafka xoogeystay ee Dowladda Federaalka iyo Puntland.