Puntland oo Guddi u Magacaawday xaalad taagan

Read Time:41 Second

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda hada taagan ee roobabka lixaadka ee sababay burburka wadooyinka guud ahaan Puntland gaar ahaana Gobolka Gardafuu, wuxuu magacaabay guddiga gurmadka deg dega ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Guddigaasi oo ka shaqeyn doona sidii loo gaarsiin lahaa gurmad shacabka ay waxyeeleeyeen Roobabku iyo wax ka qabashada jidadka go’ay.

Waxay kala yihiin Guddigaasi:-

1. Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeeynta Puntland (Guddoomiyaha Guddiga).

2. Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland
(Xubin)

3. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Xubin)

4. Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Muuse (Xubin)

5. Xildhibaan Muuse Siciid Xasan (Xubin)

6. Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur (Xubin)

7. Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey (Xubin)

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.