Puntland oo diiwaan gelineysa dhaqaatiirta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo diiwaan gelineysa dhaqaatiirta

Garowe – Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa diiwaan gelinaya dhaqaatiirta howlgala magaalooyinka hoos yimaadda, iyadoo arrintaas lagu shaaciyey amar maanta oo ah 26 April 2014 kasoo baxay xafiiska wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Saadiq Eenow.

Wasiirka Caafimaadka maamulka Puntland Dr. Saadiq Eenow ayaa sheegay mudo 20-cisho ah inay haystaan dhakhaatiirta ka shaqaysta magaalooyinka Puntland ayna iska soo diiwaan galiyaan xarumaha ururka dhaqaatiirta ay gobalada ku lee yihiin.

“Waxaa lala socod siinayaa dhammaan dhakhaatiirta ka howlgala gudaha Puntland in ay iska soo diiwaan galiyaan xafiisyadd ururka dhakhaatiirta ee gobaladda Puntland, muddo dhan 20-cisho” ayaa lagu yiri warka kazoo baxay wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland.

Waxaa sidoo kale warka lagu yiri “Ururka Dhakhaatiirta waxay usoo gudbin doonaan wasaradda Caafimaadka xarunteeda dhexe si loo siiyo oganlaansho u khatar kasta ku shaqaynsan kato,ka dib arka la hubiyo aqoonta iyo khibada dhakhtarnimo”.

Dr. Enow ayaa sheegay iney ka go’antahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhakhaatiirta sida beenta ah uga dhex shaqaysanaya gobalada Puntland, iyadoo dhawaan Puntland laga musaafariyay nin Keenyaan ah oo dhakhtarnimo in mudo ah ku shaqaysanayay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!