Puntland oo diiday 3 guddi oo Golaha Wasiirrada Soomaaliya ansixiyeen

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeestay 3 guddi oo ay khamiistii lasoo dhaafay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo kala ahaa guddiyada Xuduudaha, Doorashooyinka, iyo Golaha Adeegga Garsoorka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, C/xaliim Camey ayaa war ka soo saarey guddiyada saddexda ah ee Xukuumadda Federaalka ansixiseey isla markaana sugaya in baarlamaanka federaalka ansixiyo ama madaxweynuhu dikteero ku magacaabo.

“Puntland waxaa ay si buuxda u qaadacday ansixinta iyo magacaabista gudiyada Doorashooyinka, Adeega Garsoorka, Xuduudaha  iyo Federaalka oo ay magacowday Dawladda Federaalka Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya jebiyeen qodob dastuuri ah kaasi oo dhigaya in dawladaha xubnaha ka ah federaalka latashiyo lagala sameeyo magacaabista gudiyadaas.

Madaxweyne Camey waxaa uu sidoo kale ku dooday in dawaldda federaalka Soomaaliya xadgudub ku samaysay hashiisyadii ay Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah ku gaareen Puntland.

Puntland ayaa marar badan caqabad ku noqotay howlo ay wadday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo weliba hogaan u ah khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.