Puntland oo dhireyneysa todobo magaalo

Garowe – Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa shaaciyey inuu wado qorshe lagu dhireynayo ilaa 7 magaalo oo hoos yimaada maamulkaas, sidaas waxaa munaasibad lagu xusayo maalinta Deegaanka Aduunka 5-ta June ka sheegay wasiirka deegaanka maamulkaas Guuleed Saalax Barre.

Wasiirka ayaa sheegay in todobo magaalo oo ay ku jirto magalada Garowe oo ah caasimadda maamulka Puntland ay mudo sanad ah ku abuuri doonaan 25-kun oo geed taasoo looga dan lee yahay qurxinta iyo ilaalinta deegaanka Puntland.

”Waxaan saaka u dabaaldegnay xuska maalinta deegaanka adduunka 5 June, waxaan kaloo daahfurnay dhirayn iyo cagaarin aan ku samaynayno 7 magaalo oo Puntland ka mid ah ‪‎Bossaso‬, Dhahar, ‎Baran, Qardho, Garoowe, Buuhoodle iyo ‎Gaalkacyo, waxaan middiiba ku beeraynaa illaa 25 kun oo geed muddo sannad ah insha ALLAH” ayuu yiri wasiir Barre.

Waxa kale uu sheegay Guuleed Saalax Barre inay muhiim tahay sidii wax looga qaban lahaa xaalufka lagu hayo deegaanka gaar ahaan dhuxasha la shido taasoo nabad guurisay deegaanka.

Midowga Yurub ayaa malaayiin doolar ugu deeqay wax ka qabashada deegaanka Puntland waxana dhaqalahaas Puntland loosoo marsiiyay Ha’adaha CARE iyo ADEESO.

Magaalooyinka Puntland ayaa inta badan ku yaalla dhul ay dhirtu ku yartahay, waxaana magaalooyinkaas u baahan yihiin in la geliyo waqti badan oo lagu xanaaneeyo dhirta la beeray.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245