Puntland oo degdeg xayiraadda uga qaadday SNTV * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo degdeg xayiraadda uga qaadday SNTV

Mareeg.com: Maamulka Puntland, ayaa goor dambe oo galabta ah sheegay inuu dib u fasaxay Telefishinka Qaranka Somaliya SNTV oo ay sheegeen iney shaqada ka joojiyeen.

Puntland, ayaa waxay Telefishinka Qaranka ku eedeysay in uu ka been sheegay doorkeeda ku aadan, qaabilaada ay u samaynayan shacabka ka soo cararaaya dagaalada dalka Yemen.

Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland, C/laahi Xaashi Warsame (Qoob-deero) oo markii hore soo saaray warqadda lagu xiray xafiisyada SNTV ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay xayiraadii ka qaadeen Telefishinka afka Dowladda Soomaaliya ku hadla.

Wasiir Ku Xigeenka, ayaa sheegay in arrintani timid kadib kulan uu la qaatay 30 ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgasha deegaanada Puntland, ayna isku waafaqeen in cafis loo sameeyo Suxufigii khaladka ku kacay, sida uu yiri.

Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, ayaa duhurnimadii maanta sheegtay inay ka xun tahay tallaabada TV-ga Qaranka looga mamnuucay deegaannad Puntland.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.