Puntland oo Dagaal qarka u saaran kadib markii Saciid Deni uu jebiyay amarkii Isimada

Read Time:1 Minute, 15 Second

Magaaladda Boosaaso, oo ah isha dhaqaalaha Puntland ayaa foolanaysa dagaal, iyadoo ay isku hor-fadhiyaan Ciidanka maamulka iyo kuwa taabacsan taliyaha xilka laga qaadey Maxamuud Cismaan Diyaanno, oo ah nin awood badan ku leh magaaladda.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii shalay Isimo [Odayaal dhaqan], oo uu ku jiro Boqor Burhaan ay soo saareey qoraal ay Deni uga dalbadeen inuu taliyaha PSF ee shaqada laga eryay u daayo hantida hay’adda, sida Guryaha, Gaadiidka dagaalka iyo Hubka.

Qodobkan ayaa durba waxaa diiday Madaxweyne Deni, oo ku tilmaamay mid dhawacaysa dowladnimada Puntland, sidoo kalena ay dheera-gelinayso musuq-maasuq hantida dadweynaha.

Isimada waxa kaloo sheegeen in dowladda laga rabo inay bixiso mushahaarka Ciidanka ilaalinaya taliyaha xilka laga qaadey, sidoo kalena bixiso mushahaar la sheegay inuu 13 bilood ka maqnaa askarta PSF, si ay u dhacdo xil-wareejinta.

Deni waxa uu gaashaanka u daruuray dhamaan dalabka odayaasha, isagoo xusay in tallaabo military uu qaado doono, maadaama uu soo xirmay albaabkii wadahadalka iyo waan-waanta.

Ciidamo badan oo Puntland taabacsan oo ka soo baxay Garowe iyo Buuraha Galgala ayaa la geeyay Boosaaso, waxaana dhawaan kusoo biiray taliye ku xigeenkii PSF oo Deni xil u balan-qaadey. Boosaaso waxay qarka u saaran tahay inuu ka dhaco dagaal.

Madaxweyne Deni ayaa isna lagu eedeeyay inuu qaraabadiisa uu xilalka ugu badan u magacaabey xili uu sheegayo inaysan sii socon doonin qoyska si gaar ah u maamula hay’ad dowlada leedahay, isagoo ula jeeday reer Diyaano oo mudo ka badan 15 sano xukumayay PSF, oo Mareykanka maalgeliyo.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %