
Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in weerar culus oo burburin ah ay ku qaadeen Saldhigyo Ururka Al Shabaab ay ku lahaayeen Buuraha Cal-madow ee Gobolka Bari ee Puntland.
Warka ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in ay burburiyeen Saldhigyo Ururka Al Shabaab ay ka soo duuli jireen oo ku yaalla Cal-madoow ee Gobolka Bari ee Puntland.
Waxaa sidoo kale Puntland ay sheegtay in weerarka ay ku dileen Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa halka uu weerarka ka dhacay.
Puntland ma sheegin tirada Shabaabka ay ku dishay Weerarka ka dhacay Buuraleyda Cal-madoow ee Gobolka Bari ee Puntland.
Weerarkaan ayaa imaanayaa xilli dhawaan Ururka Al Shabaab Degaanka Af-urur ay ku laayiin Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.