Puntland: Musharaxiin Faroole Ka Barbar Magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafadka

Read Time:1 Minute, 36 Second

Boosaaso, Mareeg.com: Murashaxiinta u tartamaya Doorashada Madaxtinimada Puntland ayaa ku dhawaaqay guddiga Xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha Baarlamaanka Puntland.

Guddigaan ayaa u muuqda mid looga horjeedo guddi nuucan ah oo 3-dii bishaan madaxweynha maamulka Puntlaand C/raxmaan Faroole uu ku dhawaaqay hase ahaatee musharrixiintu qaadaceen.

Prof.Cabaas Axmad Cabaas (Gacma-Gaab) oo kamid ah murashaxiinta xilka Madaxweynaha, ayaa warbaahinta u aqriyey guddiga ay maanta ku dhawaaqeen oo ay ku mideysan yihiin inta badan murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo Madexweyne kuxigeenka ee Puntland.

Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada oo ay murashaxiinta magacaabeen ayaa waxaa kamid ah:

1- Eng. C/risaaq Xuseen Gacayte, Gudoomiye
2- C/nuur Maxamed Maxamuud (Ubaalle) – Xubin
3- C/risaaq Maxamed Xaaji Xasan (Burgal) – Xubin
4- Siciid Cismaan Aadan – Xubin
5- Maxamed Yuusuf Cabdi (Qoryooley) – Xubin
6- Cawil Xaaji Maxamed Ducaale – Xubin
7- Siciid Xasan Ibraahim Warmajaale – Xubin
8- Faysal Cabdi Diiriye – Xoghaye

Prof. Cabaas ayaa sheegay in xubnahan lagu soo xulay aqoontooda iyo dhex dhexaadnimadooda, isla markaana ay yihiin dad lagu kalsoon yahay inay ku midoobi karaan inay gaaraan go’aan “Caadil ah”.

Warsaxaafadeedka murashaxiinta ayaa lagu sheegay in loogu baaqayo Madaxweyne Faroole iyo murashaxiinta kale inay taageeraan guddigan isla markaana u fududeeyaan hawlahooda.

3-dii bishaan December ayaa madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole wuxuu magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood oo noqonaya guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanad lasoo xulayo.

Xubnaha uu Faroole magacaabay ayaa kala ahaa:
1: Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye
2: Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin
3: Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin
4: Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin.
5: Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin.
6: Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin.
7: Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin
8: Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn.

Ma cadda wax xigi doona guddiyada iska soo horjeeda ee ay kala magacaabeen madaxweynaha xilligaan ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyo qaar ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %