Puntland: Maxkamada Toogasho Ku Xukuntay Nin Iyo Haweeney Lagu Eedeeyey Dil Abaabulan

Read Time:1 Minute, 15 Second

Boosaaso: Maxakamadda darajada koowaad ee gobalka Bari ayaa shalay xakun dil ah ku riday laba eedeysanayaal ah oo loo heystay in ay dil ka geesteen magaalada Boosaaso dhowr bilood ka hor. dil xukun

Labada eedeysane ee dilka lagu xukumay oo kala ah nin iyo naag ayaa kasoo qowmiyadda Oromo ee dalka Itoobiya, kuwaasoo degaanaa Boosaaso.

 

Labada qof ee la xakumay ayaa lagu kala magacaabaa Iftin Maxamad Cismaan oo ah qof dumar ah iyo Tamaam Xuseen Kadiid, waxaana lagu eedeeyey iney dilen nin lagu magacaabi jiray Maxamad Bashiir Axmad oo isna ka soo jeeday Itoobiya.

 

Marxuumka Maxamad Bashiir Axmad ee horay loo dilay ayaa qabi jiray haweeneyda dilka lagu xukumay ee lagu magacaabo Iftin Maxamad Cismaan.

 

Labada eedeysane ayaa loo heystay iney marxuumka dilkiisa u adeegsadeen toorey iyo dhagax, kadibna ay si qarsoodi ah ugu aaseen gurigii uu degnaa, iyadoo meydkiisa cad-cad u gooyey muddo laga joogo 5 bilood.

 

Iftin ayaa lagu eedeeyey iney laheyd abaabulka dilka saygeeda, iyadoo ay u dhashay gabar laba sano jir ah, waxaana la sheegay in markii la dilay ninkeedii hore uu guursaday ninka hadda dilka lagula xukumay.

 

Maxamkamadda ayaa ku xakuntay dil toogasho oo deg-deg ah, balse ay heestaan muddo 30 cesho oo ay rafcaan ku qaadan karaan, waxaana dib loo dhigay dacwadda eedaysane kale oo lagu soo eedeeyey inuu gacan ka gaystay dilka.

 

Todobaadkii hore ayaa ciidamada boolisku magaalada Boosaaso kusoo bandhigeen 3-dan eedeysane iyadoo meydka ninka ay dileen laga soo saaray guriga dhexdiisa, isagoo la jarjaray oo jawaan ku jiray.

 

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %