Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xadka ka sameynaya Kastam

Mareeg.com: Waxaa maanta xadka Soomaaliya iyo Itoobiya la dhagax dhigay Kastam loogu talagalay in lagu canshuuro badeecooyinka u kala gudba Soomaaliya, haar ahaan deegaanada Puntlnad iyo Itoobiya.

Maamulka Puntland iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah wada jir u dhagax dhigay Kastam u dhaxeeya labada dhinac oo lagu kala wareejinayo ganacsiga ladaba maamul, waxaana laga dhagax dhigay meel 5km u jirta Degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Dhagax dhiga kastamka waxaa Puntland uga qayb galay 5  wasiir oo ay ka mid ahaayeen wasiirka ganacsi, Wasiirka Maaliyada, Arrimaha gudaha,  Xanaanada xoolaha iyo wasiirka howlaha guud, Waxaa sidoo kale ka mid ahaa gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland iyo ku xigeenadiisa.

Jaamac Salaad Dhaga Dheere oo xiriiriyaha rugta ganacsiga Puntland ayaa ka warramay furitaanka Kastamkan iyo qorshayaasha soo socda ee Kastam, Wuxuu sidoo sheegay in shaqada Kastamkan uu qaban doono.

Xiriiriyuhu wuxuu sheegay in masuuliyiin labada dhinac ee ka qayb galay dhagax-dhiga Kastamka ay cadeeyey wadashaqaynta labada dhinac oo ah sidii ay u fudeyn lahaayeen isku gudbida ganacsiga labada dhina.

Kastamkaan ayaa qaban doono howlaha ay ka midyihiin canshuurida agabka maraya, fududeynta ganacsiga iskaga kala gudbada labada dhinac ee Itoobiya iyo maamulka Puntland.

“Dadka reer Itoobiya ayaa qalab kala degi doonaan dekedda Boosaaso, iyaguna waxa ay hayaan ayay keeni doonaan oo waxbaan is dhaafsan doonaa” ayuu yiri Jaamac Salaad Dhaga Dheere.

Ganacsatada ka qayb galay  oo iyana ka kala yimid Puntland iyo dowlad deegaanka Itoobiya ayaa goobta kulan ku yeeshay waxayna isku dhaafsadeen aaraa ku aadan Kastamkan iyo faa’iidada uu u leeyahay sida uu noo sheegay Xiriiriyaha Rugta Ganacsiga Puntland.

Itoobiya ayaa muddo dheer ku hamineysay iney wax kala degto dekedaha Soomaaliya, hase ahaatee waxaa markasta hor-istaaga arrimo amaan.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245