Puntland iyo Alshabaab oo ku dagaalamay buuraha Galgala * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland iyo Alshabaab oo ku dagaalamay buuraha Galgala

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in shalay gellinkii dambe dagaal dhexmaray ciidamada maamulka Puntland iyo Alshabaab. Dagaalka ayaa ka dhacay wadada xiriirisa magaalada Boosaaso ee buuraleyda Golis.

Saraakiisha ciidamada Puntland iyo Alshabaab ayaa midiba dhankiisa guul ka sheegtay dagaalkaas. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab jidgooyo u dhigteen kolonyo ka tirsan ciidamada Puntland.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda Puntland ayaa sheegay iney dileen ilaa 5 ka mid ah Alshabaab, halka Alshabaab sheegteen iney dileen 10 ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.

Ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac. Ciidamada maamulka Puntland ayaa deegaanka kula dagaalamayey ALshabaab tan iyo sandkii 201.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!