Garowe: Ciidamo ku jira xerada 54-aad oo gedood sameeyey

Mareeg.com: Qaar ka mid ah ciidamada daraawiishta maamulka Puntland eek u jira xerada 54-aad ayaa ku dhaqaaqay gedood iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan.

Ciidamada oo xero ku leh meel debadda ka ah magaalada Garowe ayaa gubay taayaro iyo waxyaabo kale, si ay muujiyaan baahida ay qabaan.

Qaar ka mid ah askartan oo la hadlay warbaahinta ayaa madaxda Puntland ugu baaqay inay bixiyaan mushaharkooda isla markasna ay ilaaliyaan xaquuqda ciidan maadama ay yihiin difaaca Puntland.

Qaar kamid ah saraakiisha sare ee ciidamada Puntland ayaa ku howlan sidii xaaladda loo dejin lahaa, islamarkaana si dhaqso ah loogaga jawaabi lahaa cabashada ciidamada Daraawiishta.

Ciidamada Daraawiishta ee Puntland oo celcelis ahaan askari kastaa uu bishii mushahar u qaato ilaa $100 (boqol doolar) ayaan mararka qaar helin wax mushaar ah dhowr bilood oo is xigxiga.

Markii hoggaanka Puntland ay la wareegtay dowladda uu hormuudka u yahay Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaa ciidamada la siiyey mushaharaadka 2 bilood oo kamid ah kuwo dhowr ah oo horay ciidamada uga maqnaa.

 Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245