Puntland: 18 ruux oo xukun toogasho ah lagu riday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland: 18 ruux oo xukun toogasho ah lagu riday

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 17 nin oo ka tirsan ururka Alshabaab. Halka mid 18-aad oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Axmed Buraale lagu xukumey Xabsi daa’in, sida lagu xusay go’aan maxkamadda kasoo baxay.

Xukumanayaasha ayaa 5 kamid ah waxay maxkamadu ku sheegtay in ay yihiin horjoogayaashii ugu sareeyey ee go’aamin jirey dilalka iyo qarxyada Gaalkacyo, halka 12 kalena ay dilalka loo diro fulin jireen.

Raggan ayaa waxaa horay xukun dil ah ugu riday Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Puntland. Balse waxay ka qaateen racfaanka iyagoo qabsaday qareeno u dooda oo ka difaaca dambiyada.

Waa tiradii ugu badnayd oo ay Puntland ku rido xukun dil ah oo katirsan kooxda Alshabaab. Qaar badan oo katirsan ayaa kasoo muuqday muuqaallo ay ku qiranayeen dambiyada laguu oogay.

Puntland waxay sheegtay in ay soo afmeertay shabakadii Alshabab ee tan iyo sanadkii 2008 howlgallada isugu jira qaraxyada iyo dilalka ka geysan jirtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.