Muqdisho, Mareeg.com: Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doono looga fadhiyo iney qabato howlo farabadan oo ay ka mid tahay iney shaqooyin u abuurto umadda Soomaaliyeed.
“Xukuumadda cusub waxaa looga fadhiyaa inay abuurto mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay hogaaminayaan dadweynaha Soomaaliyeed, si shaqo la’aanta haysta dhallinyarada looga baxo,” ayuu yiri Prof. Jawaari.
Afhayeenka Barlamaanka Soomaailya ayaa sheegay in Qaranka aan lagu dhisi Karin Qabaa’il waxaana uu Ummadda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay u istaagaan dhismaha Qarannimada Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in amniga dadka ay gacan ka siiyaan shacabka, iyadoo laga soo bilaabayo degmooyinka, gobollada si ilaa heer Qaran loo soo gaarsiiyo.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa tilmaamay in qaranka aan lagu dhisi karin qabiil, waxaana uu ummadda Soomaaliyeed ku boorriyay in ay u istaagaan dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.
“Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa iyagana inay hay’adaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii amniga loo adkeyn lahaa, iyadoo laga soo billaabayo heer degmooyinka iyo heer gobollada lana gaarsiiyo illaa heer Qaran,” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Somalia yiri mar kale.
Dhinaca kale, Jawaari ayaa sheegay in sharciga ama maqaamka ay Muqdisho yeelanayso laga howlgali doono xilliga dib u eegista lagu sameynayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in xilliaas uu ku beegan yahay sannadka soo socda ee 2014-ka.
“Baarlamaanka federaalka Soomaaliya waa golaha sharci dajinta dalka, wuxuuna dar-dar-gelinayaa dhammaan sharuucda dalka si ummaddu ay u hesho waaya-aragnimo ku dhisan Qaran, iyadoo uu barlamaanka hadda uu wado olole lagu dhageysanayo guuxa dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Muqdisho,” ayuu ku daray Jawaari hadalkiisa.
Mareeg.com