Muqdisho, Mareeg.com: Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Gudoomiye Jawaari ooh sir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa hadalkiisa xooga ku saaray xubnaha baarlamaanka oo uu uga digay iney khilaaf qeyb ka noqdaan, sidoo kale wuxuu la hadlay shacabka Soomaaliyeed oo u sheegay iney ku kalsoonaadaan baarlamaanka oo uu tilmaamay iney ku filan yihiin iney howshaas wax ka qabtaan.
Prof. Jawaari ayaa sidoo kale, la hadlay warbaahinta kala duwan oo uu usoo jeediyey ineysan buunbuunin khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo R/waqsaaraha.
“Ugu horeyn waxaan rabaa inaan u jeediyo Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka inaan ku adkeeyo ama uga digo in arimaha khilaafaadka siyaasiga ee laanta fulinta ka jira aysan u ololeyn ama Warbaahinta uga hadlin taasi oo aan ula jeedo hadii khilaafaad siyaasi ah ay yimaadaan oo Madaxda dalka dhexdeeda uu khilaafaad siyaasi ah soo kala dhexgalo hor iyo horaan waxa weeye odayaal baa la yahay oo walaga fariisanayaa,waa laga wada hadlayaa,waana la xalinayaa,hadii ay taasi dhici weyso waxey usoo biyo shubaneysaa in Golaha Shacabka ay timaado maadaama ay taasi tahay mas’uuliyadda Baarlamaanka loo sameeyey in arimahan oo kale go’aan uu ka gaaro”ayuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Jawaari.
“Arinta Labaad ee aan doonayo inaan ka hadlo waxey tahay Xukuumaddu weey noo shaqeyneysaa, adeegga shacbiga loo hayana wuu socdaa, wax xumaanaya haba yaraatee ma jirto sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed ka codsanayaa iney kalsoonidooda qabaan, mahad Alle ayaa leh maanta waxaan leenahay Gole Shacbi oo shaqeynaya oo u duuban hogaaminta siyaasadda dalka iyo maareynta dhibaato kasta oo timaada,qof ahaan aadbaan ugu kalsoonahay in Golahan Shacabka ay aqoon iyo karti buuxda u leeyihiin iney xaliyaan mushkilad kasta oo timaada,shacabkana waxaan ka codsanayaa iney ku kalsoonaadaan”ayuu sidoo kale yiri Gudoomiye Jwaari.
“Arinta ugu dambeysa waxaan u jeedinayaa Warbaahinta iyo Saxafiyiinta,dadka saxafiyiinta ee warbaahinta ku shaqeynaya dhammaan waxaan xusuusinayaa in qalinka iyo qalabka aad ku shaqeyneysaan uu idiinku yahay Allena idinkula xisaabtamayo,arin fiican ma ahan inaad buun buunisaan waxaanan jirin ama kuturukuteen ah oo aan loo baahneyn aad umadda ku jahwareerisaan, mas’uuliyad ayaa ku saaran,muwaadinbaad tahay oo dalkan mas’uuliyad ayaa ka saaran fadlan ha noqonina kuwo qasaaro ku shoob ah oo noqda kuwo hormarka ku faana,Mahadsandiin” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya waxey bilaabeen iney warbaahinta ka hadlaan iyagoo kala taageeraya madaxweynaha iyo R/wasaaraha, waxaana arrinta uga sii daray warbaahinta oo sii daayey hadallo badan oo niyad jab keenay, taasoo shacabka welwel ku abuurtay.
Mareeg.com