Prof. Jawaari Oo Dhaliil Kulul Ujeediyey Xafiisyada Hanti-dhowrka Guud & Gar-yaqaanka Guud Ee Qaranka
Muqdisho, Mareeg.com: Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa dhalliilo adag u jeediyay xafiisyada gar-yaqaanka guud iyo kan xisaabiyaha guud ee Qaranka, isagoo ugu baaqay xafiisyadan inay howlahooda kasoo baxaan ayna dastuurka dib u eegaan.
Prof. Jawaari ayaa guddiga maaliyadda ee baarlamaanka inay u yeeraan xafiiska hanti-dhowrka guud, Isagoo xusay in haddii xafiiskan howshiisa muddo bil gudaheed ah lagu hagaajin waayo uu go’aan ka qaadan doono baarlamaanka Soomaaliya.
“Guddiga maaliyadda baarlamaanka waxaan ku wargelinayaa inay u yeeraan xafiiska hanti-dhowrka guud si howshiisa uu si wanaagsan u qabsado, sidoo kalena aysan dhici karin hal shilin inuu waddo qalloocan ku baxo, waxaana ka codsanaynaa guddiga iyo hanti dhowraha guud laga billaabo sannadkan cusub ee 2014-ka inay guntida xirtaan oo hantida shacabka si xooggan loo ilaaliyo, dastuurkan dib loo eego,” ayuu yiri Prof. Jawaari.
Prof. Jawaari ayaa sidoo kale dhaliil kulul ujeediyey xafiiska gar-yaqaanka guud ee Qaranka, wuxuuna xusay inuu curyaaminayo howlaha baarlamaanka, nidaamka oo dhanna ka qaribayo.
Jawaari wuxuu tilmaamay in xafiiska gar-yaqaanka guud ee Qaranka uusan daba-gal ku sameyn sharciyada kazoo baxay Baarlamaanka Soomaaliya “Xafiiska gar-yaqaanka guud ee Qaranku howshiisa ha guto, dastuurkana dib ha u fiiriyo, waayo dastuurku wuxuu qorayaa in markii sharci la ansixiyo oo madaxweynuhu uu saxiixo uu isagu daba-gal ku sameeyo, taasna kama hayno” ayuu yiri Prof. Jawaari.
Labada xafiis ee gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya dhaliilay ayaan aad shacabku uga warfheyn howlaha ay qabteen intii ay jireen.
Mareeg.com
Comments are closed.