Prof. Jawaari oo amray in la baaro sababta mushaar loo siin waayey shaqaalaha dowladda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Prof. Jawaari oo amray in la baaro sababta mushaar loo siin waayey shaqaalaha dowladda

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku amray guddiga maaliyadda baarlamaanka iney soo ogaadaan sababta keentay in muddo 3 bilood ah aysan mushaar qaadan shaqaalaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa maanta baarlamaanka ka sheegay iney ka warheleen in muddo 3 bilood ah aan mushaar la siinin shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, wuxuuna guddiga maaliyadda ku ku wargeliyey iney arrintaas dabagal ku sameeyaan.

“Waxaa nasoo gaartay in muddo 3 bilood ah aan mushaar la siinin shaaqalaha dowladda, marka guddiga maaliyadda waxaa lagu wargelinayaa iney arrintaas soo baaraan oo war ka keenaan” ayu yiri Prof. Jawaari.

“Janaayo ilaa iyo Febraayo saddex bil waan ansixinay miisaaniyadda, iyadoo la tixgelinayo waqtiga ku socda xukuumadda cusub, xitaa waxaan sii ogolaanay in April haddii ay daahdo inta laga doodayo ay sii bixiyaan, dhamaan hay’adaha ay quseyso waan siinay warqadaas, waxaa igu maqaalo ah in shaqaalaha aan muddo saddex bil lacag la siinin, taa waxaan gudiga maaliyadda faraynaa in ay si deg deg ah u daba galaan asbaabta lacagtaasi loo bixin waayay” ayuu sidoo kale yiri Prof Jawaari.

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda ku guuleysan la’ iney joogteyso mushaarka dadka kala duwan ee u shaqeeya, iyadoo arrintaas loo aaneynayo musuqmaasuq jira.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!