Prof, Cali Maxamed Geedi oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Prof, Cali Maxamed Geedi oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne

Muqdisho (Mareeg)—Munaasabadan oo aheyd mid ballaaran islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta waxey ka dhacday mid ka mid ah hoteelada Magaalada Muqdisho.

Xafladan ayaa waxaa masharaxnimadiisa kaga dhawaaqay Prof , Cali Maxamed Geedi oo u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya.

Musharax Madaxweyne Cali Maxamed Geedi ayaa waxuu shaaca ka qaaday hadii uu ku guleysto xilka madaxtinomo in uu wax badan ka qaban doono daruufaha heysta Dalka Soomaaliya.

Mudane Cali ayaa waxuu tilmaamay in uu xooga saari doono amniga Dalka, arimaha bulshada, soo celinta xiriirka Caalamka iyo tayeynta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay hadii uu noqdo hogaamiyaha Dalka Soomaaliya in uu dhameystiri doono wax waliba oo qabyo ay uga tagaan Madaxdii isaga ka horeysay.

Sikasaba, Musharax Cali Maxamed Geedo aya cod dheer ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu isa soo sharaxo, waxuuna xusay in rajo wanaagsan ka qabo ku guuleysashada xilka Madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!