Prof. Ahmed Ismail Samatar Raysal Wasaaraha Somalia Waxaan Ku Tilmaami Karaa Dhibane Siyaasadeed

Read Time:1 Minute, 2 Second

AxmedIsmaacil Samatar oo ah aqoon yahay isla markaana isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya sannadkii horre, ayaa caawa ka hadlay go’aanka ay qaateen xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo si aqlabiyad leh codka kalsoonida ugala laabtay raysal wasaare Saaci iyo xukuumadiisa.

Prof Samatar ayaa bogaadiyay hadalka uu jeediyay maanta ra’iisal wasaaraha Somaaliya ee ah in uu aqbali doono go’aan kasta oo ka soo baxa fadhigga baarlamaanka, wuxuu kaloo ku tilmaamay in uu noqday dhibane siyaasadeed.

Prof Samatar ayaa dhinaca kale sheegay in qof kasta oo lagu bedalo Saacid isla markaana fulin waaya danaha madaxweynaha in uu mari doono jidka Saacid sida uu hadalka u dhigay.

War uu goordhow ku soo qoray bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Raysal Wasaare Cabdi Faarah Shirdon Sacid , waa nin geesi ah markaan arkay qaabka uu u aqbalay go’aanka ay gaareen raga xildhibaanada ah ee madaxtooyada Somaliya laga soo abaabulay , lakin waxan ku tilmami kara inuu yahay Political Victim ama dhibane siyaasadeed, Tani waxay cashar u noqon doonto nin walba oo lagu badalo saacid marku fulin wayo danaha gaarka ah ee madaxweynaha in lacag loo adeegsan doono xilkana laga qaadi doono.”

Prof Axmed Ismaacil Samatar ayaa ah siyaasi caan ah oo wax badadan xog ogaal u ah arrimaha Soomaaliya.

Jamaal Ibrahim Maxamed
samatar

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %