Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay dib u dhiska ciidanka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay dib u dhiska ciidanka

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte looganaha hadlayay horumarinta ciidanka qalabka sida ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru-dowlaha Difaaca ee Soomaaliya, Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda, safiirada dalalka Soomaaliya ka caawiya dib u dhiska ciidanka ee kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Imaaraadka iyo saariil ka tirsan ciidanka, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray dib u dhiska ciidanka qalabka sida, tababbar siinta, tayaynta ciidanka, isku dhafka ciidanka oo la gaarsiinayo gobollada dalka iyo in dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Imaaraadka ay xoojiyaan taageerada ay siinayan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dib u dhiska ciidanka.

Qaar ka mid ah safiirada kulanka ka qeyb galay ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa safiirada Mareykanka, UK iyo Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee ku aadan ciidanka, waxaana uu sheegay in kulankan uu ahmiyad u leeyahay dhismaha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn kulanka ayaa la isku afgartay dib u dhiska ciidanka iyo qalabeyntooda.milimili2mili4mili6mili5somali_militry

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!