Saldhig Booliska Soomaaliyeed Looga Furay Garoonka Aadan Cade * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saldhig Booliska Soomaaliyeed Looga Furay Garoonka Aadan Cade

Muqdisho ( Mareegpolice at aden ade airport)-Barqanimadii maanta ayaa munaasabad ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ,Saraakiisha Booliska Somaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan  Cadde ee magaalada Muqdisho taasoo xariga looga jarayey dhismo cusub oo ah saldhiga booliska ee garoonka diyaaradaha oo uu hirgeliyey howlgalka AMISOM ee Somalia

 

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyed Jeneraal Maxamed Sheekh  Xasan Xaamud oo hadal ka jeediyey munaasabadaasi ayaa ugu horeyn waxa uu kaga mahadceliyay howlgalka Midowga Africa Somali  ee AMISOM sida ay mar walba  u garab taagan yihiin ciidamada Booliska Somalia isagoo xusay in ay si gaar ah ula shaqeeyaan Booliska Somalia.

 

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Amniga ee Dowladda Somalia Cabdinaasir  Maxamed Cali ayaa isagana amaan u jeediyey ururka Afrika sida ay dowladda Somalia kaga taageerto dhinaca tababarada Ciidamada booliiska Somaaliya iyo kala shaqeynta Amniga.

Ugu dambeyn ayaa waxaa halkaasi ka hadlay wakiilka midowga Afrika ee Somalia ahna madaxa howlgalka AMISOM  ee Somalia ambassador Francisco Madera ayaa sheegay in dhismaha saldhiga laga hirgeliyey gudaha garoonka diyaarada ee Aadan  Cade iyo qalabeyntiisa ay ku kacday adduun lacageed oo gaaraya 332,000 oo dollarka Mareykanka ah sidoo kale ay dhinacyo fara badan ay markasto ka taageeraan Booliska somaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!