Pakistan: Qaraxyo ka dhacay Kaniisado ku yalla Lahore oo dad badan galaaftay

Mareeg.com: Ilaa 10 qof ayaa ku dhintay, 55 kalana wey ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay laba kaniisadood oo ku yaalo magaaalada Lahore ee dalka Pakistan, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka iyo warbaahinta gudaha Paskitan.

Qaraxyadan mataanaha ah waxa ay dhaceen xili mashquul badan, iyadoo dad badan ay ku cibaadaysanayeen kaniisadaha maanta oo axad aheyd.

Bulshada masiixiga ee Pakistan waxaa inta badan bartilmaameedsada mintidiinta Islaamiyoonta ee dalkaas ka jira.

Koox ku xiran Talibaan oo la magac baxday Jamaacatul Ahraar ayaa sheegatay in ay weerarkaasi ka dambeysay. Wararka ayaa sheegaya in labo ruux oo ismiidaamiyey ay qaraxyada geysteen.

R/wasaaraha dalka Pakistan Nawaz Sharif ayaa cambaareeyey weeraradaas, wuxuuna laamaha amaanka ugu baaqay iney sugaan nabadgelyada muwaadiniinta.

Dadka Kiristanka ah ee dalka Pakistan ayaa lagu sheegay 2% bulshada dalkaas oo tiradooda lagu sheego ilaa 180 Milyan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245