Pakistan oo dooneysa xanuunjinta Daalibaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Pakistan oo dooneysa xanuunjinta Daalibaan

Mareeg.com: Dalka Pakistan waxaa laga sameynayaa maxkamad milateri, taasoo la doonayo in la soo saaro dadka ka tirsan Daalibaan. Tilaabandan ayaa ah mid dowladda ku dooneyso iney ku xanuunjiso Daalibaan oo todobaadkii hore 141 oo u badnaa caruur ku dishay Iskuul ku yaalla magaalada Pashawar.

Mar uu ka hadlayey telefishenka qaran ayuu Ra’iisalwasaaraha Pakistan Nawaz Sharif waxa uu sheegay in weerraka lagu qaaday Pashawar uu ahaa mid gilgilay qaranka, loona baahanyahay in la qaado tallaabo culus si buu yiri xididada loogu siibo xagjirnimda.

Waxa uu sheegay in markii hore dadka falalkan gaystay ka baxsan jireen ciqaabta, sababtoo ah hanaanka cadaalada oo ah mid aanan xoogganayn.

Maxkamadda miletariga ee la doonayo in la dhiso ayaa waxa qeyb ka noqon doonaan qorshaha looga hortagayo xagjirnimada waxaana ka mid noqon doona talaabooyinkaas in dhusha la gala socdo madaariista ama malcamadaha, in laga mamunuuco argigixisada in ay ka soo muuqadaan warbaahinta iyo in laga hor istaago kooxaha la mamnuucay in ay adeegsadaan magacyo cusub..

Talaabooyinkan waxa soo dhoweeyey inta badan dadka reer Pakistan, balse qaar kale ayaa su’aal gelinaya isticmaalka maxkamadaha militariga iyadoo aanay jirin cid madaxbaan oo dhusha kala socon doonta. Qorshahan waxa ku heshiiyey xisbiyadda siyaasada ee Pakistan.

Pakistan ayaa sara u qaaday howgalada ka dhanka ah argigixisada wixii ka dambeeyey weerarka lagu qaaday iskuulka ku yaalay Pashawar. Waxay xukuumada meesha ka saartay mamnuucidii xukulka dilkii , waxaana wixii wakhigaasi ka dambeeyey la dilay lix nin.

Miletariga ayaa sidoo kale sara u qaaday weerarada ka dhanka ah kooxda taalibaan,degaanada ay ka taliyaan qaabaa’ilada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.