Oromada ku nool magaalada Muqdisho oo Digniin adag u dirtay maamulka Puntland (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Members of the Oromo community of Ethiopia, living in Malta, protest against the Ethiopian regime and its plan to displace Oromo farmers outside the office of Malta's Prime Minister in Valletta June 16, 2014.

 Oromada ku nool magaalada Muqdisho oo Digniin adag u dirtay maamulka Puntland (Daawo Muuqaal+Warbixin)Jaaliyada Oromada gaar ahaan odayaasha ugu caansan ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa kulan balaaran iskugu yimid , waxeeyna si kulul u cambaareeyeen maamulka Puntland oo maalmahaan dambe dhibaatooyin kala duwan ku haya qowmiyada Oromada waa sida ay hadalka u dhigeenee .

Wiil ka soo jeeda Qowmiyada Oromada oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xuseen Aadan ayaa dhawaan si xun loogu dilay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeeybta ay ka taliyaan maamulka Puntland .

Odayaashaan ayaa sheegay in qoowmiyada Oromada ay yihiin dad nabadeed balse ay la yaabeen ka dib markii Wasiir ka tirsan maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in aanan dadka Oromada ah la soo dhaweeysan waliba aanan shaqo la siin , qofkii guri ka kireeyana la xiri doono –