
Orodyahanka ku tartamayay magaca Soomaaliya ee Max’ed Daa’uud ayaa galabta ka qeyb galay tartanka orodka 5000 kun ee Mitir.
Illaa Laba qeybood ayaa loo qeybiyey orodka tiro badnida orodyanahadda awgood.
Laba orodyahan oo asalkoodu yahay Soomaali laakiin u kala tartamayay Ingiriiska Mo Farah iyo Bashiir Cabdi oo u tartamayay Belguim ayaa ka qeyb galay orodkan.
Max’ed Daa’uud oo Somalia u tartamayey ayaa dadaal badan muujiyay, isagoo ku dhex jiray kooxda koowaad ee loolanka ku jiray oo ka koobneyd 25 orodyahan, balse ugu dambeyn dib u dhac ayaa ku yimid ilaa markii dambe uu wareeg dhan ka haray.
Orodyahanka Soomaaliyeed Max’ed Daa’uud ayaa ahayn qofka ugu danbeeya ee wuxuu noqday ninka labaad ee xagga danbe ka hogaaminayay orodkan waxaana ka dambeeyey orodyahan kale.
Dhinaca kale, Orodyahanka asalkiisa yahay Soomaaliga ee u orda Britain Mo Farah ayaa kaalinta 3aad ka galay orodka 5,000 oo mitir, isagoo mar ku sigtay inuu dhaco, wuxuuna ku guuldareystay inuu mar kale difaacdo bilada dahabka ee orodka 5,000 oo mitir oo afar sano ka hor uu hantay.
Mo Farah ayaa markii uu tartanka dhamaaday sheegay inuu ku haminayey kaalinta koowaad isagoo xusay inuusan weli u soo kabsan sida uu rabay maadaama uu ku guuleystay bilada dahabka ee orodka 10,000 oo mitir maalmo ka hor. xigasho allbanaadir