ONLF oo ka soo horjeesatay qoondada Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ee shidaalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

ONLF oo ka soo horjeesatay qoondada Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ee shidaalka

Jabhada ONLF ayaa ku gacan seyrtey war ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed kaasoo uu ku sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku nool dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay ku leeyihiin 5% dhaqaalaha ka yimaada shidaalka laga soo saaro dhulka Soomaalida.

Afhayeenka jabhadda ONLF Cadaani Hirmooge ayaa ku tilmaamay qoondada uu ku dhowaaqay ra’iisul wasaaraha Ethiopia mid yaab leh waxana uu sheegay in dadka Soomaalida ah aysan marti ka noqoneyn kheyraadka laga helo dhulkooda.

“Waxa aan ka sugeynaa in aan wadahadal yeelano dowlada Ethiopia balse warkan ka soo yeeray Abiy Ahmed waa mid yaab leh mana ka yeeleyno in Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku jiraan gumeysi.”ayuu yiri afhayeen Hirmooge.

Hirmooge oo u waramayay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin dhul ballaaran ayna yihiin ummadda Saddexaad ee ugu badan dalka Ethiopia balse ay aaminsan yihiin inay ku jiraan gumeysi. Waxana uu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Ethiopia inay yeeshaan wadahal.

Dhowaan ayaa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha waxa ay ku guuleysatay in ceelal shidaal ay ka qodo dhulka Soomaalida ay degto, waxaana sanadkii 2007dii weeraray ceelasha laga qodayay ciidamo ka tirsan jabhada ONLF.

Halkan hoose ka dhagayso afhayeenka jabhada ONLF

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!