Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Wacbuudhan u balan qaaday xilka Gobolka Banaadir 

Read Time:1 Minute, 11 Second

(Xog)Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u balan qaaday beesha Wacbuudhan Abgaal xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.Kulan qado ah oo uu todobaadkii hore Madaxweynaha uu la qaatay xubnaha beesha Wacbuudhan ayuu u sheegay in cidii ay isku soo raacaan uu u magacaabayo xilkaas.Xogo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Beesha Wacbuudhan ay horay Madaxweynaha ugu gudbisay cabasho la xiriira in aanay wax xil ah aysan dowladda ka heyn.Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galay kulankii qadada oo diiday magaciisa in la xuso ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si niyadsami ku jirto uu ugu sheegay in xilka Gobolka Banaadir iyo xilal kale ay heli doonaan.”Madaxweynuhu wuxuu si niyadsami ku dheehan tahay noogu sheegay in Beesha Wacbuudhan ay isku soo raacdo nin aan laga daba raaricin oo ay keeneen Xildhibaanada beesha iyo Ugaas in uu magacaabi doono”ayuu yiri Mid ka mid ah odayaashii kulanka ka qeyb galay.Wararka ayaa sheegaya in Beesha Wacbuudhan Abgaal ay iminka ku jirto wada tashiyo la xiriira sidii ay isaga soo dhex saari lahaayeen qof ay isku raacsan yihiin in xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho loo magacaabo.Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhowr xubnood ay isku heystaan xilkaas, iyadoo wali aanay isku raacaneyn xubnaha beesha.Mudooyinkii u dambeeyay ayaa la hadal hayay is bedel lagu sameynayo Hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo wararkaas ay ahaayeen kuwo aad isu soo tarayay.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %