Ololaha doorashada Gudoonka BF oo Meel xasaasi ah maraayo

Read Time:50 Second

Muqdisho ( mareeg News ) Ololihii ugu danbeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho oo muharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ay ugu jiraan inay u helaan codadka xildhibannada.



Hoteellada Muqdisho ayaa shidan iyadoo labadii habeen ee ugu danbeysay aan laga seexan, waxaana soo baxaya musharixiin rajo ka leh kursiga ugu sareeya guddoonka iyo qaar ujeedkoodu ahaa inay is sharxaan oo kaliya.

Musharixiinta ololaha ugu badan wada ayaa waxaa ugu horeeya:



1- Shariif Abdullahi ee loo arko inuu yahay musharaxa kaliya ee buuxin karo booskaas, maadaama uu yahay nin oday ah oo muddo kusoo jiray Siyaasadda isla markaasna diyaar u ah inuu wadanka ka samata bixiyo Xaaladda adag oo uu ku jiro.

2- Maxamed Sheekh Mursal

3- Ibraahim Yarow Maxamed

4-  Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali)

5- & Maxamuud Macalin Yaxye



Xildhibannada ka tirsan Golaha wasiirada ayaa ku kala qeybsamay taageerada xildhibannada Musharixiinta, waxayna doorashadan isu bedeshay mid jahawareer hareeyay oo aan la saadaalin karin cidda xilka ku soo bixi doonta.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %