Ololaha doorashada dalka Britain oo maanta lasoo fajarayo

Read Time:54 Second

London: Hogaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda ee Britain ayaa samaynaya isku daygii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan in ay ku kasbadaan codbixiyeyaasha iyada oo lagu jiro maalintii u dambaysay ee ol’olaha doorashada dalkaasi.

Rai’sal wasaaraha Britain David Cameron ayaa ballanqaadaya in Britain uu cagta u saari doono wadadii mustaqbalka wanaagsan.

Hoggaamiyaha xisbaga labarka Ed Miliband, ayaa isna ballanqaaday in haddii la doorto uu soo dhisi doono dowlad mudnaanta kobaad siisa dadka shaqeeya.

Hoggaamiyaha xisbiga Liberal Democrats Nick Glegg ayaa dhinaciisa sheegaya in uu soo celin doono xasilooni iyo anshaxa ama sharafta.

Ra’yi uruurinta la sameeyey ilaa iyo iminka waxa ay muujinaysaa in aanu jiri doonin xisbi si toos ah ugu gulaysan doono doorashada, taasi oo micnaheedu yahay in loo baahan doono axsaab sameysata is bahaysi doorashada kaddib.

Shirkadaha sameeye ra’yi uruurinta, siyaasiyiinta iyo warbaahintuba ayaa la halgamaya sidii tafaasiil ama ay fasiraad uga bixin lahayeen qaabka laga yaabo in ay u dhacdo doorashada.

Shirkadahan ayaa intooda badan haatan diirada saaraya waxa dhici doona natiijada doorashada kaddib.

Arrimaha ugu waaweyn ee la isku hayo waxa ka mid ah dhaqaalaha, caafimaadka, soo galootiga iyo waxbarashada.

BBC

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %