OIC Oo Ogolaatay Hirgelinta Sanduuq Dhaqaale Oo Loo Sameeyo Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

OIC Oo Ogolaatay Hirgelinta Sanduuq Dhaqaale Oo Loo Sameeyo Soomaaliya

Muqdisho, Mareeg.com: Ururka Shirweynaha Islaamka (OIC) ayaa ogolaaday howlgelinta sanduuqa dhaqaalaha Soomaaliya kadib shirar kala duwan oo ka yeesheen arrintaas.

Wakiilka Soomaaliya ee ururka OIC oo dhawaan ka qayb-galay shir ay yeesheen dalalka Islaamka oo lagu qabtay magaalada Conakry iyo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in lagu guuleystay in la ogolaado in la howlgeliyo sanduuq dhaqaale Soomaaliya, isagoo xusay in hay’adda Zamzam Foundation loo aqoonsaday inay ka mid noqodo bahda OIC.

Shirarkan oo uu qabanayay ururka iskaashiga islaamka ee IOC kana kala dhacay dalalka Sacuudiga, Genue, Conakry iyo Turkiga ayaa lagu si aad ah loogu gor-feynayay hor-u-kaca iyo isbadalada sannadka cusub ee 2014-ka. Waxaa shirakran Soomaaliya u matalayay wakiilka Soomaalia ee (OIC), C/rasaaq Siyaad Cabdi oo fadhigiisu yahay dalka Sacuudi Carabiya.

Kulankii golaha wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo dalka Genue ka dhacay ayaa Soomaaliya loogu ogolaaday in la qabto shir caalami ah oo sanduuqa dhaqalaha Somalia ee OIC loogu yabooho dhaqaale, lagana caawiyo dib u soo kabashada iyo dhinaca horumarka. Shirkan yabooha oo la filayo in dhawaan la qabto ayaa lagu wadaa in Soomaaliya loogu yabooho dhaqaale aad u fara badan oo wax ka tari doona mashaariicda horumarineed ee dalka.

Safiirka Soomaaliya ee OIC oo dalka kusoo laabtay ayaa sheegay in Somalia guul ay ka gaaartay lana dhageystay waxyaabihii ay shirweynaha Islaamka ka jeedisay lana aqbalay dhammaan soo jeedinadeedii.

Danjiraha ayaa sheegay in shirka wasiirrada arimaha dibadda OIC si rasmi ah loogu go’aamiyay inay hay’addu Soomaaliya ku yeelato hay’ado samafal oo la taliyayaal joogta ah u ahaanaya OIC si doorkeeda caawinad ee Somalia uu u noqdo mid leh talo iyo waxqabad muuqda.

Hay’adaha oo lagu xushay waxqabad iyo qibrad ayaa gaaraya 12 hay’adood oo laga doortay 57 dalka ee ku bahoobay uruka iskaashiga Islaamka waxaa Soomaaliya laga doortay hay’ada Zamzam Foundation oo howlo samafal oo fara badan ka qabatay gudaha Soomaaliya.

Shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada istanbuul ee dalka Turkiga ayuu safiirka Soomaalia ee OIC ka sheegay in muhiimdda la saaray sidii wax loola qaban lahaa Soomaaliya, isla markaana lagu g’aamiyay hay’adaha la xushay in kalfadhi deg-deg ah isugu yimaadaan bilawga sannadka cusub.

“Waxay Somalia mar kale kusoo laabatay wax la qaybsiga dalalka Islaamka waxaana dareennay in dowlado badan oo Islaam ah ay daneynayaan inay wax la qabtaan,” ayuu yiri C/risaaq Siyaad.

Danjiraha Soomaaliya ee OIC ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliaya ay muhiimad siin doonto ka dhex-muuqashada dadaallada OIC ee adduunka, maadaama ay Soomaaliya tahay dalalkii ugu horeeyay ee aas-aasay ururka Iskaashiga Islaamka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!