Ogow sababta keentay uu maanta baaqdo Kulankii Golaha Shacabka

Read Time:33 Second

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu waday in ay kulan ku yeeshan Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,balse waxaa uu u baaqday Kooram La’aan.

Kulankan ayaa waxa ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uga doodi lahaayeen sii wadista dooda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro Kulanka Baarlamaanka maanta oo ay taariikhdu ku began tahay 26-ka bisha September 2018.

Waxaa lagu waday in kulanka uu Shir guddoomiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,balse Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa soo xaadiri waayay kulanka,waxaana uu u baaqday Kooram La’aan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %