Odayaasha Gobolka Hiiraan oo ku qancay in gogosha Maamul u sameynta labada Gobol la dhigo Magaalada Jowhar

Baladweyne (Mareeg.com)—Isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, Badal Jaamac Xersi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa waxuu sheegay in ay isku afgarteen Odayaasha Dhaqanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe lagu qabto Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe iyo in Caasimada labadaasi Gobol-na laga dhigo Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Badal Jaamac Xersi ayaa meesha ka saaray wax khilaaf ah uu soo kala dhex galay wada hadalladii u socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Odayaasha Dhaqanka, isagoona xusay in dhawaan ay bilaaban doonaan Eragadii loo diri la haa Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho xili Magaalada Baladweyne uu kalamo gooni gooni ah kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan