Odayaal dhaqameedyo galabta lagu laayay duleedka Buur-Hakaba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Odayaal dhaqameedyo galabta lagu laayay duleedka Buur-Hakaba

Mareeg.com-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya odayaal dhaqameed galabta si wadar ah loogu dilay duleedka degmada Buur Hakaba, kuwaasoo gaarayay ilaa todobo oday dhaqameed ka mid ahaa ergadii soo dooratay Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed ee lixda Gobol.

Sida ay sheegayaan wararka kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa la sheegay inay gaari kala degeen odayaashan oo ku sii jeeday Gobolka Shabeelaha Hoose meel ka mid ah, iyadoo goor sii horeysay meydadka odayaashan la geeyay Buur Hakaba.

Xiriiro aan la sameynay Buur Hakaba ayaa naloogu xaqiijiyay in meydadka odayaasha la dilay ay ka soo qaadeen meel duleedka ka ah Buur Hakaba ciidamo ka tirsan dowladda oo lagu wargeliyay, waxaana ilaa iyo hada jirin cid sheegatay dilkan.

Odayaashan ayaa ka mid ahaa ergadii doortay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Madoobe Nuunow, iyadoo odayaashan oo la socday gaadiid lagala degay, kadibna mid mid loo toogtay.

Malaaq Shiine Macalin Nuurow ayaa sheegay in odayaashii ka mid ahaa ergadii ka qeyb gashay maamulkii koofur galbeed ee ka yimid Gobolada lagu xasuuqay duleedka Buur Hakaba, isagoo xusay inay si naxariis daro loo dilay

“Sideed qofood ayaa meesha lagu dilay, kooxo naxariis daran ayaa ayaa wadada u gashay, oo meesha ku xasuuqday, tooda ayaana gashay”ayuu yiri Malaaq Shiine Macalin Nuurow.

Kooxihii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilka ayaa baxsaday, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinacii ay ka tirsanaayeen Odayaashan oo ka mid ahaa kuwa Baydhabo ku dhisayay Maamulka lixda gobol ee uu muranka ka taagan yahay.

Magaalada Baydhabo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka jiray shirar iska soo horjeeday oo maamul goboleed lix gobol iyo saddex gobol lagu dhisayo, iyadoo todobaadyo ka hor la doortay Madaxweynaha Maamul goboleedka lixda gobol, halka midka saddex gobol dhowaan la filayo in la doorto.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.