Odayaal dhaqameed Oo lagu xiray Magaalada Buulo-burde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Odayaal dhaqameed Oo lagu xiray Magaalada Buulo-burde

Buuloburte ( Mareeg News ) Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya Barqanimadii maanta ay ku xireen degmada Buuloburte ee gobolkaasi ku dhawaad 10 ka mid ah Odyaasha dhaqanka ee magaaladaasi.

Odayaasha la xiray oo tiro ahaan gaaraya illaa 7 ayaa lagu xiray Xabsi ku yaala degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa sheegay in Odayaashaasi ay Lacago u aruurinayeen Al Shabaab, sidaasina loo xiray.

Xiisad ka dhalatay arrintaasi ayaa haatan ka taagan Buuloburte, iyadoona Ciidamada dowladdu howlhallo ay ka wadaan magaaladaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!