Obama oo booqanaya dalka uu asal ahaan kasoo jeedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Obama oo booqanaya dalka uu asal ahaan kasoo jeedo

Mareeg.com: Madaxweynaha Mareyanka Barack Obama ayaa bisha July (Luulyo) ee soo socoto booqan doona dalka Kenya oo ah dalka uu asal ahaan kasoo jeedo.

Sida uu sheegay danjiraha Mareykanka u fadhiya Kenya, ee lagu magacaabo Robert Godec, madaxweyne Barack Obama ayaa ka qeybgali doono kulan madaxeedka Global Entrepreneurship ee dalka sub-Saharan Africa ee lagu qaban doono magaalada Nairobi, 24-26-ka bisha July ee 2015.

Madaxweyne Obama ayaa la sheegay inuu kulan la yeelan doono madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Booqashadan ayaa noqon doonto tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Kenya tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Maraykanka sanadkii 2008.

Barack Obama ayaa booqday Kenya sanadkii 2006 isagoo ah senator hase yeeshee waxa uu ka baaqsaday in uu booqdo sanadkii 2013 xilli uu qaarada Afrika booqasho ku marayay, isagoo markaas tegay dalka Tanzania oo Kenya deris la ah.

Hussein Obama oo dhalay madaxwyene Barack ayaa ka tegay dalkiisa Kenya, wuxuuna u haajiray Mareykanka, halkaasoo uu ku geeriyooday, taasoo wiilkiisa oo ay dhashay hooyo Mareykan ah ka dhigtay muwaadin Mareykan ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!