Obama: Khalaafada waxaan ku qaadeynaa weeraro sida Soomaaliya & Yemen ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Obama: Khalaafada waxaan ku qaadeynaa weeraro sida Soomaaliya & Yemen ah

Mareeg.com: Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa balan qaaday in wadankiisu uu qaadi doono hawlgal millitari oo xiriir ah si ay u wiiqaan una baabi’iyaan malayshiyada Khilaafada Islaamiga ah (IS) ee horay loogu yaqaanay Daacish ama ISIS.

Isaga oo ka hadlaya khudbad uu Talafeshinka ka jeediyay Obama, waxa uu sheegay in Maraykanku uu hogaamin doono xulafo wayn oo ka soo horjeeda ururkaasi. Ururkaasi oo maamula qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya.

Madaxwaynuhu waxa uu markii u horaysay amray in diyaaradaha Maraykanku ay duqaymo ka gaysan karaan gudaha Suuriya iyaga oo baacsanaya xoogagga khilaafada Islaamiga ah.

Obama ayaa ku celiyey in ciidamada Mareykanku aysan ka qeyb qaadan doonin dagaalka dhulka hase ahaatee ay cirka ka weerari doonaa dagaalyahanada Islaamiyiinta ah ee IS.

Wuxuu sheegay Obama in dagaalka ay ku qaadayaan saldhigayada IS ee Suuriya iyo Ciraaq uu noqon doono mid la mid ah dagaalka ay wadaan Soomaaliya iyo Yemen, halkaasoo diyaaradaha dagaalka Mareykanku duqeymo la beegsadaan madaxda Alshabaab iyo Alqaaciadada Jazeeradda Carabta, taageersana siiyaan dowladaha labadaas dal.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa maanta kulan la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxda Suniga ah ee wadamada Carabta, madaxdaas waxaa ka mid noqon doona boqorka Sucuudiga iyo kan Jordan. Kulan kaasina waxa uu ku saabsan yahay sidii uu taageero ugu raadin lahaa qorsha Madaxwayne Obama.

Khudbadda madaxweyne Obama ayaa kusoo beegantay sanad guuradii 13-aad ee kazoo wareegtay markii Alqaacidda 4 diyaaradood oo rakaab ah ku weerareen Mareykanka sanadkii 2011.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!