Obama: ISIS waxey halis ku tahay Mareykanka

Washington – Mareeg.com: Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in Islaamiyiinta (ISIS) ee qabsaday magaalooyin ka mid ah Ciraaq aysan khatar ku aheyn Ciraaq oo kaliya, balse ay halis ku yihiin danaha Mareykanka.

Obama oo shalay oo jimce ah shir jaraa’id ku qabtay aqalka cad ee Mareykanka ayaa xusay in ISIS ay aakhirka halis ku yihiin danaha Mareykanka, sida uu yiri.

Wuxuu sheegay Obama inuu u baahan yahay dhowr maalmood oo uu uga fakero tilaabada Mareykanku qaadayo, isagoo meesha ka saaray in Mareykanku ciidamo dhulka ah u dirayo Ciraaq oo ay ka baxeen labo sano ka hor.

Obama ayaa ugu baaqay Ciraaqiyiinta iney meel iska dhigaan khilaafka u dhaxeeya, isagoo arrintaas shardi uga dhigay faragelin Mareykanku sameeyo.

Wuxuu madaxweyne Omaba ugu baaqay madaxda Shiicada ee aqlabiyadda ku ah dalka Ciraaq iney tanaasul u sameeyaan Sunniyiinta oo laga tiro badan yahay.

Kooxda la baxday Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam (ISIS) ayaa ah Sunniyiin, waxeyna taageero ka heleen maleeshiyaad Sunniyiin ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245