Mareeg.com: Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa cambaareeyey weerarkii khamiistii lasoo dhaafay Alshabaab ku qaadday Jamacad ku taalla magaalada Gaarisa ee gobolka woqooyi Bari Kenya.
Obama oo telefoonka kula xiriiray dhigiisa Kenya, UHuru Kenyatta ayaa weerarka ku tilmaamay ficil aad u xun, waxaana uu intaa ku daray in dhammaadka sanadkan uu booqasho ku tegi doono Kenya.
Booliska magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in ragga weerarka fuliyay ay ku hadlayeen luuqada Sawaaxiliga, balse ay u muuqdeen kuwa laga hagayo telefoonadooda.
Shalay ayaa gudaha jaamacadda laga qabtay 2 qof oo la sheegay iney la dhuumanayeen 2 kale, iyadoo dadkaas loo xiray suurtagalnimada iney weerarka ku lug lahaayeen.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in 4-ta qof ee la helay ay 2 ka mid ah yihiin dad weerarka ka badbaaday, halka kale yihiin la tuhunsanayaal.