NUSOJ oo tababar u furtay Wariyeyaasha ka howlgala Gaalkacyo +SAWIRRO — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

NUSOJ oo tababar u furtay Wariyeyaasha ka howlgala Gaalkacyo +SAWIRRO

Waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka furmay tababar saxaafadeed oo heerkiisu sareeyo, kaasi oo Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ay siineyso wariyeyaasha ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Tababarkan oo loo furay ilaa 30 Wariye oo ka howlgala Magaalada Gaalkacyo ayaa mid lagu doonayo sidii kor loogu qaadi la haa xirfadooda Saxaafadeed.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta ee Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) Cumar Faaruuq Cismaan oo tababarka daah furkiisa khudbad kooban ka jeediyay waxuu sheegay in ahmiyad gaarka uu u leeyahay tababarkan Suxufiyiinta loogu furay Magaalada Gaalkacyo.

Waxuu sheegay in Ururka NUSOJ ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso sidii loo tayeen la haa Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo waliba oo ay ka joogaan Dalka Soomaaliya.

Waxaa mas’uuliyad ay naga saaran tahay in tababaro heerkooda sareeyo aan siino Suxufiyiinta, si kororta aqoontooda Saxaafadeed”, sidaasi waxaa yiri Xoghaye Cumar Faaruuq Cismaan.

Tababarkan ayaa noqon doono mid aan ku ekaan Magaalada Gaalkacyo oo kaliya sida uu tilmaamay Xoghayaha NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan, waxuuna carabka ku adkeeyay in ay tagi doonaan Magaallooyinka kale.

Sikastaba, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa bishii la soo dhaafay tababaro nuucan oo kale ku siisay Wariyeyaal dhowr ah oo ka howlgalla Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!