
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ka soo horjeestay Shirkii looga hadlayay badqabka Suxufiyiinta oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Bayaan ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Cumar Faruuq Cismaan ayaa lagu taageeray go’aankii Wasiirada Warfaafinta ee Maamul Goboleedyada ay ka qaateen Shirkaasi.
Xoghayaha Ururka NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa sheegay in go’aan wanaagsan ay qaateen Wasiirada Maamul Goboleedyada, kadib markii ay isaga baxeen Shirkii badqabka Suxufiyiinta, maadaama ay sheegeen Kooxo gaar ah ay wateen.
Xoghaye Cumar ayaa ku tilmaamay Shirkaasi mid caburinaya Suxufiyiinta, islamarkaana khatar gelinaya nolosha Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxuu ka socday Xarunta Taliska AMISOM ee Xalane, iyadoo Wasiirada Warfaafinta Maamul Goboleedyada ay ku sheegeen Shir lagu raadsanayay dhaqaalo.
Ugu dambeyn, Wasiirada Maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Jubaland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in magacooda dhaqaallo lagu cunno, waxaana ay sheegeen in Madaxda Dalka ay u gudbin doonaan dacwad.