Nucmaan Sheekh Cumar Tuurre oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne

Read Time:1 Minute, 2 Second

Waxaa magaalada Muqdisho musharaxnimadiisa madaxweyne kaga dhawaaqay Nucmaan Sheekh Cumar Tuurre oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee isu soo taagay inuu dalka samatabixiyo.

Mudane Nucmaan Tuure oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu jagadan ugu sareyso dalka isku soo taagay markii uu arkay in dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin qof samata bixin kara islamarkaana dadka isku wadi kara.

Musharax madaxweyne Nucmaan Sheekh Cumar Tuurre ayaa tilmaamay in qorshahiisa ugu weyn uu yahay dowlad lawada leeyehaya oo ku dhaqmeysa shareecada Islaamka islamarkaana ilaalin doonto dastuurka dalka.

Mudane Cumaan Tuure ayaa ah shaqsi ka war qaba duruufaha kala duwan ee dalka waxa uuna  macno badan u yeeli doonaa dowladnimada, odiyaasha dhaqanka, culuma’udiinka iyo macalimiinta waxaana aas-aas u ah  amniga iyo cadaaladda.

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la gudboon iney codkooda siiyaann musharax madaxweyne Nucmaan Sheekh Cumar Tuurre maadama uu yahay musharax u taagan samata bixinta dalka.

Waxa uu musharaxa u mahadceliyay RW Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada ee heerkan soo gaarsiiyay doorashada islamarkaana dalka ka saaray hubaanti la’aanta doorashada oo muddo soo jiitameysay.

Hadaba si aad wax uga ugooto Taariikh Nololeedka Nucmaan Sheekh Cumar Tuurre ku dhufo linkiga Hoose.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %