Norway: Meydka Nin Soomaali Ah Oo Laga Helay Goob Ku Dhow Xero Uu Ku Noolaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Norway: Meydka Nin Soomaali Ah Oo Laga Helay Goob Ku Dhow Xero Uu Ku Noolaa

Norway:
Oslo, Mareeg.com: Meydka nin Soomaali ah ayaa laga heley meel ku dhaw xarun lagu soo dhaweeyo dadka magangelyo doonka ah oo ku taalla dalka Norway.

Ninkan oo magacaiisa lagu sheegay Nuur Cabdullaahi Adam ayaa da’diisa lagu sheegay 23 sano jir, waxaana booliska meydkiisa ka heleen goob baraf badan yaalo, lamana sheegin sababta rasmiga ah ee ninkaani u dhintey.

Ninkaas oo xarruntaas ku noolaa 4-tii sano ee ugu danbeysey ayaa ka hor inta aan meydkiisa la helin la waayey muddo saddex maalmood ah.

Qaar kamid ah dadka kula jirey xarunta lagu soo dhaweeyo qaxootiga ayaa sheegaya in dhanka maskaxda uu ka xanuunsanaa ninka meydkiisa la helay.

Muddada uu ku jirey xarunta oo ku dheeraatey, iyo isaga oo sharciga loo diidey ayaa isugu darsamey, taas oo ay dheertahay qalbi jabka laga qaado qabowga iyo cidlada.

Soomaali farabadan ayaa dhibaato ku heysataa meelo kala duwan oo caalamka ka tirsan, waxaana qaar badan halkaas kula dhacay cuduro xaga maskaxda ah.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More