Ninkii loo haystay in uu dhacay 60 gabdhood oo xabsi lagu xukumay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ninkii loo haystay in uu dhacay 60 gabdhood oo xabsi lagu xukumay

Maxkamadda ciidamada ee Soomaaliya ayaa saaka xukun 10 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday nin la yiraahdo Cabdifitaax Cali Cumar oo loo haystay burcadnimo hubeysan iyo inuu si xeeladaysan u dhacay gabdho gaaraya lixdan.

Cabdifitaax oo maxkamadda ka soo hormuuqday todobaadkii hore ayaa qirtay inuu dhacay 30 gabdhood oo uu ka qaatay taleefannada gacanta iyo agabyo kale oo qaali ah.

Waxa kale oo uu sheegay inuu mar soo noqday macalin dugsi iyo imam masaajid kahor inta uusan u go’in daawashada aflaamta hindiga.

Xeer ilaalinta dacwada ku soo oogtay Cabdifitaax ayaa sidoo kale ku eedeysay inuu Al-Shabaab la shaqeeyay.

Dhinaca kale eedeysane isna loo haystay inuu taleefanadda uu keesan jiray marka uu soo dhaco una iib geyn jiray oo la yiraahdo Nuur Cali Xasan ayay isna maxkamadda ciidamadu ku xukuntay labo sanno oo xabsi ciidan ah.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.