Ninkii Ka Dambeeyay Dilka Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Bari Oo Gacanta Lagu Dhigay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ninkii Ka Dambeeyay Dilka Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Bari Oo Gacanta Lagu Dhigay

Laamaha amaanka mamulka Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii dilay Guddoomiye ku Xigeenkii hore ee Gobolka Bari Khadar Ismaaciil, kaasi oo shalay lagu dilay gudaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Sida wararka ay sheegayaan beesha uu ka dhashey ninka ku eedeysan dilka Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Bari ayaa ku guuleysatey in ay soo qabtaan eedaysanaha kadibna waxay ku wareejiyeen ciidanka Booliska, waxaana warbaahinta loo xaqiijiyey in ninkaasi hadda uu ku wareegay gacanta ciidanka amaanka ee Boosaso.

Nin ku hubeysnaa Bastoolad  ayaa shalay Gudaha Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari waxa uu ku dilay Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Bari Khadar Ismaaciil, kaasi oo ilaa haatan aan la ogeyn sababaha ka dambeeya dilkiisa.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!