Moscow, Mareeg.com: Ninkii soo saaray qoriga AK47 oo u dhashay dalka Ruushka, lana oran jiray Mikhail Kalashnikov ayaa gala boo isniin ah ku geeriyooday dalkaas, kadib muddo sanad ah oo uu xanuunsanayey.
Mikhail Kalashnikov wuxuu qoriga AK 47 alifay sanadkii 1947-kii, wuxuuna qorigaasi noqday qoriga rasmiga ah ee ay isticmaalaan ciidamadii Midowga Soofiyeeti eek ala burburay, wuxuuna ku faafay dunida siiba Afrika iyo Aasiya.
Sanadkii 1938-dii ayaa loogu yeeray inuu ka mid noqdo ciidamadii Midowga Soviety ee Red Army waxana xirfada uu lahaa ay qeyb ka noqotay sidii loo horumarin lahaa hubka ay isticmaalaan ciidamada taangiyada.
Hase yeeshee waxa uu farsameeyay qoriga caanka ku noqday Ak-47 kadib markii uu weydiiyay askari ay saaxibo ahaayeen sababta uu Ruushku u samaysan waayay qori la mid ah kuwa ay isticmaali jireen xilligaasi Jarmalka.
Mikhail Kalashnikov wuxuu horay u sheegay inuu ku faraxsan yahay hal abuurka uu sameeyey, wuxuuna tilmaamay inuu qorigaas u sameeyey in lagu difaaco dalkiisa, wuxuuna iska fogeeyey mas’uuliyadda dhibaatada lagu geystay qorigaas.
“Waan ku faraxsanahay hal-abuurkeyga, waxaanse ka xumahay in si khaldan loo adeegsaday, aad ayayna ii dhibtaa markaan arko dad dambiilayaal oo ridaya qoriga aan ikhtiraacay,” ayuu yiri Kalashnikov sanadkii 2008.
“Waxan u sameeyey qoriga AK47 si loogu difaaco xuduudaha dalkeyga, khalad kuma lihi in hubkaasi uu tago meel aan loogu tala gelin, siyaasiyiinta ayaa dembigaas iska leh” ayuu sidoo kale yiri Mikhail Kalashnikovintii uu noolaa.
Qorigan AK 47 waa qoriga loogu adeegsiga badan yahay qaaradda Afrika oo Soomaaliya ka mid tahay, waxaana dad wata laayeen boqolaal kun oo ruux.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Mikhail Kalashnikov, wuxuuna sheegay inuu ahaa qof wadani ah aadna u firfircoonaa, kaas oo wax badan u qabtay dalkiisa iyo caalamka oo dhan.
Kalashnikov ayaa la dhigay isbitaal bishii November ee sanadkii hore kadib markii uu ku dhacay dhiig bax gudaha ah. Waxana uu ku dhintay isagoo 94 jir ah magaalada Izhevsk oo u dhinaca Bari ka xigta magaalada Moscow 600 oo mile.
Miikhail Timofeyevich Kalashnikov ayaa ku dhashay galbeedka Siberia 10kii November 1919, waxana uu ka mid ahaa qoys ka kooban 18 carruur ah.
Mareeg.com