Ninka saacadaha badan dadka afduubka ugu heysta caasimada Australia oo la aqoonsaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ninka saacadaha badan dadka afduubka ugu heysta caasimada Australia oo la aqoonsaday

Mareeg.com: Ninka saaka ilaa maanta qafaalka ku heysta dad ku jiray baar ku yaalla caasimadda dalka Australia ee Sydney ayaa la ogaaday magaciisa iyo dalka uu asal ahaan kasoo jeedo.

Booliska dalka Australia ayaa ku sheegay magaca ninkaas, Haron Monis oo ahaa megengelyo doon ka yimid Iran. Ninkaan waxaa garay qareen uu horay u lahaa.

Booliiska Australia ayaa sheegay in ay la xaajoonayaan nin hubeysan, saacado kaddib markii uu tiro dad ah ku afduubtay maqaayad ku taal magaalada Sydney.

Boqolaal boliis ah oo aad u hubeysan ayaa isku gadaamay dhismaha maqaayadda, waxayna xireen agagaarka goobta Martin Place.

Waxaa la arkayay 5 qof oo ka baxsanaya maqaayadda dadka lagu haysto, balse ku xigeenka booliiska gobolka New South Wales, Catherine Burn, ayaa diidday inay kala cadeeyso in dadku ay soo baxsadeen iyo in la soo daayay.

Catherine Burn Ma aysan xaqiijin in booliiska ay heleen dalabyo uu u soo gudbiyay ninka hubeysan sida la sheegay in lagu baahiyay baraha bulshada.

Calan madaw, oo ay ku qoran tahay qoraal Carabi ah ayaa muddo kooban ka soo muuqday daaqadda maqaayadda dadka lagu haysto.

Ninkaan ayaa la sheegay in mar lagu xiray dalka Australia, hase ahaatee uu damiin banaanka ku joogay.

Ninkaa oo watat boorso weyn oo dhabarka ugu xiran ayaa ciidamada boolisku ka shaki qabaan inuu xiran yahay walxaha qarxa, waxaana goobta la dhoobay gaadiidka dabdamiska.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!