Nin Xirnaa Dharka Dumarka Oo Lagu Qabtay Magaalada …..
Hay’addaha Ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen nin xirnaa Indho-Shareer iyo dharka Dumarka.
Ciidamo ku sugan Kontorool laga soo galo Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa la sheegay inay qabteen Ninkaan oo xirnaa Indho-Shareer iyo dharka Dumarka.
Ciidamada Booliska Garowe ayaa sheegay in ninkaan ay ku tuhmaayaan in uu doonaayay in uu geysto falal lidi ku ah Ammaanka,islamarkaana ay baaritaano ku waddaan.
Ammaanka Magaalada Garowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana maanta halkaasi ku wajahan Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Comments are closed.