Nin Muqdisho ku dilay wiil uu dhalay dhaawacna gaarsiiyey xaaskiisa & nin abti ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nin Muqdisho ku dilay wiil uu dhalay dhaawacna gaarsiiyey xaaskiisa & nin abti ah

Mareeg.com: Wararka Mareeg Media ka heleyso degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay nin weerar ku qaaday xubno ka mid ah qoyskiisa, sidaasna ku dilay wiil u dhalay, islamarkaana dhaawacay xaaskiisa iyo nin xaaska la dhashay.

Goobjooge ku sugan degmada Shangaani ayaa sheegay in Ninkaasi uu qoyska ku weeraray  tooreey islamarkaana 3 ruux uu dhaawac u geystay inkastoo uu Isbitaalka ku geeriyooday wiilka uu aabaha u ahaa.

Ninka falka geystay ayaa goobta ka cararay, lamana oga ilaa hadda sababta keentay inuu weeraro xubno ka mid ah qoyskiisa.

Waa falkii ugu horreeyey ee la yaab leh ee sanadka cusub ee 2015 ka dhaca caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.